Dowlada Sweden ayaa soo kordhisay in ay kulmi karaan 8 qof oo kaliya si looga fogaado faafitaanka xanuunka Corona.
Feyrasku si fudud ayuu ku faafaa marka dadku ku kulmaan gudaha. Haddana infekshanku aad buu u kordhayaa markale Sidaa darteed, dhammaan la kulanka dadka waa in la yareeyaa.
– Way ka sii xumaan doontaa fayraska corona. Qaado masuuliyadaada hada si cudurka uu u yaraado, ayuu yiri raiisul wasaare Stefan Löfven.
– Weli waa inaad la kulanto oo keliya kuwa aad la deggan tahay, ayuu yidhi Löfven.
tiyaatarada, makhaayadaha iyo baararka ayaa dhibaatooyin waaweyn ku lahaan doona sharciga cusub.
kulanka ugu badnaan sideed qof ayaa dhaqan galaya 24 Nofeembar. Waxay shaqeyn doontaa afar toddobaad. Laakiin way sii dheeraan kartaa.
Markii hore, waxaan haysanay sharci ah in ugu badnaan 50 qof ay kulmi karaan.Kadib waxaa loo badalay 300. Laakiin hada waxaa laga dhigay sideed qof.
Somaliska Stockholm