Dilalka loo geysanayo Xayawaanka Minkiga ah ee wadanka ayaa socda, waxayna masuuliyiintu markii hore xooga saarayaan sidii ay u laayeen kuwa ku nool waqooyiga Jylland, oo xaaladdu si aad ah u saameysay.
Rajada ayaa ah in dilka mink ee woqooyiga Yuulland la dhammaystiro ka hor dhammaadka isbuuca soo socda, ayay bilayska qaranku ku sheegeen war-saxaafadeed.
– Waxaan ku jirnaa xaalada qaybo badan oo woqooyiga Yuulland ka tirsan la xiray, taasoo dhibaato weyn ku ah muwaadiniin badan, ayuu yidhi taliyaha bilayska qaran Thorkild Fogde.
– Sidaas awgeed waxa hadda xoogga la saarayaa xallinta hawsha woqooyiga Yuulland sida ugu dhakhsaha badan. Hadafkeenu waa inaan ku dilno dhamaan minka woqooyiga Yuulland kahor dhamaadka usbuuca soo socda.
Wuxuu intaa sii raaciyay in masuuliyiintu ay ka warqabaan xaalada halista ah ee Dadka la shaqeeya minkiga ayna muujinayaan naxariis iyaga iyo qoysaskooda. Laakiin tixgelinta caafimaadka bulshada ayaa ka dhigeysa gawraca lama huraan.
– Waxaan ku jirnaa xaalad qaran oo deg deg ah oo aan halista ugu jirno isbeddelada fayraska oo wiiqi kara saameynta tallaalka mustaqbalka ee corona, sidaas darteedna waxaan sameyneynaa wax kasta oo aan ku xallin karno hawsha, ayuu ku yiri war-saxaafadeedka.
Shaqada lagu dilayo kudhowaad 15 milyan oo mink ah ayaa socota, saraakiishuna waxay ku howlan yihiin kordhinta dadaalka.
Somaliska Copenhagen