Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo soo jeedisay kordhinta mudada lacagta la siiyo kuwa halista...

Dowlada Sweden oo soo jeedisay kordhinta mudada lacagta la siiyo kuwa halista u ah Corona

0
Photo Amir Nabizadeh / TT

Dowlada ayaa soo jeedisay wax ka badal cusub oo lagu sameeyo miisaaniyada si dadka aan awoodin inay shaqeeyaan sababo la xiriira halista infekshanka Corona ay helaan gunno mudo dhan ilaa lix bilood. Dowladdu waxay ka rabta Baarlamaanka inuu si dhakhso leh ula macaamilo soo jeedintooda.

Waxaan mar labaad ku jirnaa xaalad cusub, maadaama cudurka uu ku faafay qaab aysan cidna xitaa ka fikirin, ayay tiri wasiirka maaliyadda Magdalena Andershon oo la hashey wakaaladda wararka ee Sweden.

Tani waxay nagu qasbeysaa annaga siyaasiyiinta ah inaan awoodno inaan si dhaqso leh wax uga qabano oo aan masuuliyad iska saarinno Iswiidhan si ay uga adkaato dhibaatadan Dowladdu waxay soo bandhigtay soo jeedinteeda si loo caawiyo kooxaha halista ugu jira.

lifaaqa miisaaniyadda dib loo eegay ee 2020, iyadoo lala kaashanayo xarunta iyo dhinacyada xorta ah. Waxay ujeedkeedu yahay in baarlamaanku si dhakhso leh u meel mariyo, si Sanduuqa Sooshiyaal Sikiyuuriti ay u helaan waqti ay ku bixiyaan kaalmada ka hor dhammaadka sanadka.

Soo jeedinta waxaa ka mid ah dadka aan awoodin inay shaqeeyaan, ama ka shaqeeyaan guryahooda, halista xanuunka darteed. Waxay sidoo kale khuseysaa qaraabada dadka halista ugu jira iyo waalidiinta carruurta leh.

Laga soo bilaabo bilowgii bishii Luulyo, dowladdu waxay oggolaatay kaalmo dadka ku jira kooxaha halista ah oo gaareysa 804 karoon maalintii ka hor inta aan canshuurta la qaadin muddo dhan 90 maalmood.

Tirada maalmahaasi ayaa hadda laban laabmay oo laga dhigay 184 maalmood sanadkan Magdalena Anderson ayaa sheegtay in kordhinta lagu qiyaasay 160 milyan oo koron lakin Dawladdu ma bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan suurtagalnimada in kaalmada la helo sanadka soo socda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here