Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo Azerbaijan ugu baaqay in Dagaalka aysan joojin ilaa Dhulkeeda...

Madaxweyne Erdogan oo Azerbaijan ugu baaqay in Dagaalka aysan joojin ilaa Dhulkeeda ka saarto Armenia

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu dhinac taaganyahay Azerbaijan dagaalka ay la galayaan Armenia ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, isagoo ugu yeeray inay sii wado weerarka isla markaana ay ka saarto ciidamada Armenia.

Erdogan ayaa mar kale ku celiyey “taageerada buuxda” ee ay u hayaan Baku intii uu ku guda jirey khudbadiisii ​​jimcaha ee furitaanka isbitaal kuyaala bartamaha gobolka Turkiga ee Konya.

“Gobolka aan walaalaha nahay ee Azerbaijan wuxuu bilaabay hawlgal aad u weyn oo lagu difaacayo dhulkiisa iyo xoreynta Karabakh-da la qabsaday,” ayuu yiri. “Turkigu wuu garab taagan yahay wuuna sii wadi doonaa inuu ilaaliyo saaxiibtinimada iyo walaaltinimada Azerbaijan wax walboo aan awoodno iyo qalbigeenna oo dhan.”

Hadalka Erdogan ayaa imanaya saacado kadib markii rabshaduhu ay kusii xoogeysteen Nagorno-Karabakh iyadoo caasimada gobolka, Stepanakert ay ku dhaceen madaafiic ay ku dhinteen dad aad u tiro badan, sida ay sheegtay Armenia.

Iska horimaad milatari oo aad u xoogan oo udhaxeeya Yerevan iyo Baku ayaa qarxay bishii Sebtember 27. Labada dhinac waxay isku maandhaafeen dhul caalamku u aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan laakiin waxaa ku nool qowmiyadaha Armenia oo doonaya madaxbanaanida Baku iyagoo taageero ka helaya Yerevan.

Ankara waxay ku dhawaaqday inay si hagar la’aan ah u taageereyso “walaalaha” qaran ee Azerbaijan bilowgii isqabqabsiga, iyadoo siineysa taageero militari iyo mid diblomaasiyadeed labadaba.

Waxay sidoo kale meesha ka saartay baaqyadii nabadeed ee ay u dirtay Moscow, Washington, iyo Paris khamiistii, iyadoo ku celisay in ka bixitaanka ciidamada Armenia ee Nagorno-Karabakh ay shuruud u tahay xabad joojin.

Somaliska Qeybta Caalamka

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here