Home Wararka Caalamka Warbaahinta iyo Dowlada Norway oo ku Mashquulsan Khilaafka Masjidka Towfiiq ee Oslo

Warbaahinta iyo Dowlada Norway oo ku Mashquulsan Khilaafka Masjidka Towfiiq ee Oslo

0

Masaajidka Towfiiq ee ka dhisan caasimada Oslo ayaa khilaaf ka jiray sanadii u danbeeyay khilaafka ayaana salka ku haya labo Koox oo isku maan dhaafsan awooda iyo talada Masjidka taasi oo keentay in khilaafka uu banaanka u soo baxo kadib dhoor shaqaaqo oo ka dhacay gudaha masjidka lakin sheekada ayaa kasii dartay markii haween ku dagaalamay gudaha masjidka mid kamid ah farta looga goostay qaniinyo.

Warbaahinta gudaha Norway ayaa shaqo ka dhigtay khilaafka masjidka ka jira waxay wareysiyo kasoo qaadeen haweynka masjidka ka tirsan oo loo diiday codeen ka dhacday masjidka taasi oo keentay in Barlamaanka gaaro khilaafka.

arinta ugu layaabka badan ayaa ah markii maayarka Caasimada Oslo oo leh awooda Caasimada uu ka hadlay khilaafka ka jira masjidka waxana uu labada dhinac ugu baaqay xalinta khilaafka taagan waliba mudo kooban.

”Fariin cad ayaan u diryaa oo ah is fur fura oo qeyb ka noqda mujtamaca idinku hareereysan ee aad qeybta ka tihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha

Khilaafka jira ayaa hada laga cabsi qabaa in uu Barlamaanka u gudbo madama siyaasiyiinta badankooda ay ka hadleen xili xildhibaanad ku jirta Barlamaanka qeybta haweynka ay si adag uga hadashey khilaafka.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here