inkastoo Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ee Folkhälsomyndigheten ayaa soo bandhigtay in Haweenka uurka leh aysan qatar weyn ugu jirin xanuun halis ah marka la eego xanuunka Corona hadana waxaa warbixinta hay’ada lagu sheega in Haweenka uurka leh qaarkood ay halis ugu jiraan xanuun qatar ku keeni kara naftooda.
Haweenka uurka leh ee qaba Xanuunada dhiig karka, sonkorowga iyo cayilka ayaa halis ugu jira in ay galaan xaalad qatar ah hadii uu ku dhaco cudurka corona.
Quburada dhanka hay’ada Caafimaadka ayaa haweenkaasi u jeediyay in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah isla markana u baahanyihiin helitaanka taxadar dheeraad ah.
”Haweenka leh astaamahan waa in aysan la kulmin bulshada kale isla markana muujiyaan taxadar dheeraad ah tani waxaan ugu danleenahay in ay yareeno qaadista cudurka corona ” sida waxaa yiri hay’ada caafimaadka daweynaha.
Anders Tegnell ” ma dooneyno in haween badan oo uur leh in ay cudurka qaadaan ama u baahnadeen qeybta daryeelka deg dega ah.
Somaliska Stockholm