Home Wararka Maanta Qof Somali ah oo Xanuunka Corona ugu geeriyooday Dalka Holand

Qof Somali ah oo Xanuunka Corona ugu geeriyooday Dalka Holand

0

Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ayaa la sheegay inuu dalka Holand ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus ee haatan caalamka oo dhan uu dagaal kula jiro.

Allaha u Naxariiste Mohamed Omar (Gacmadheere) oo ahaa odey Soomaaliyeed oo deganaa Magalada Zutphen ee wadankan Holland ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladaas.

Gacmadheere ayaa ka mid ahaa odayaasha Soomaalida ee mudada dheer ku noolaa dalkaas, waxaana uu noqday Qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed Cudurkaan ugu dhinta Holland.

Soomaali fara badan oo ku nool dalka Holand ayaa la sheegay iney isbitaalka u jiifaan cudurka Coronavirus, kuwaasoo qaarkood la sheegayo in xaaladooda ay aad u liidato.
Dhinaca kale, waxaa xalay xanuunka Covid-19 magaalada Oslo ee dalka Norwey ugu geeriyooday marxuumkii labaad oo soomaali ah.

Marxuumka geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inuu xanuunka soo ritay maalmo kahor, waxaana la dhigay oo uu ku geeriyooday isbitaalka Oslo. waxaana maalmihii ugu danbeeyay uu ku xirnaa mashiinka neefta, ka hor inta aysan tii Alle u imaan.

Maalintii Talaadada aheyd, waxaa magaalada Oslo lagu aasay Marxuum Axmed Faarax Cali oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee xanuunkan ugu geeriyooda dalka Norwey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here