Meel waanagsan ayay mareysa doorashada la filayo in sanadkan dhamaadkiisa ka dhacdo Dalka Sweden kuwaasi oo xisbiyada qaarkood ay hogaanka u hayaan dhanka doorashada iyo saadaalinta la sameeyay.
ilaa hada waxaa hoos u dhacay xisbiga Moderaterna kuwaasi oo sadaalinta la sameeyay ay muujineyso in uu hoos ugu dhacay ilaa 1.1% lakin madaxa istaraatijiyda ee xisbigaasi Per Nilsson ayaa ku waramaya in wali awood u harsantahay.
Dhanka kale xisbiga Centerpartiet ayaa kor u soo kacay halka uu markii hore joogay waxana sabab u aheyd xisbigaasi oo awoodiisa iskugu geeyay dhanka caafimaadka saadaalinta la sameeyay ayuu saro ugu kacay 1%.
Xisbiga Sverigedemokraterna ee cunsuriga ayaa jooga halkiisa hore waxana uu ku jiraa kaalinta 3 aad taasi oo muujineysa in uu awood ahaan saro u kacay sanadihii u danbeeyay,
Xisbiga Moderaterna ayaa ku jira kaalinta 2 aad hase yeeshee waxa uu hoos uga dhacay halkii uu marka hore joogay.
ugu danbeyn Xisbiga talada dalka haya xiligan ee Socialdemokraterna ayaa kaalinta 1 aad waxa uu uga jiraa dhanka doorashada marka la fiirsho saadaalinta ay sameesay shirkada sifo.
Warbaahinta Somaliska ayaa soo koobeysa qaabka loo kala horeeyo.
1 Socialdemokraterna  28,2%,
2Â Moderaterna 23,1%
3Â Sverigedemokraterna 16,4%.
4Â Centerpatiet 9,8%
5 Vänsterpartiet 7,9%.
6 Liberalerna 4,9%
7 Miljöpartiet 4.1%
8Â Kristdemokraterna (KD)Â 2,8%
Somaliska Stockholm