Dhaqaalaha, adkeeynta sharciyada amaanka ilaalinaya, socdaalka iyo in daryeel iyo nabadgeliyo la siiyo dadweeynaha. Waa meelaha ay xooga saari doonan xisbiga Moderaterna ololaha doorashada sannadkan.
Khaasatan, ayuu sheegay Gunnar Strömmer xooghayaha xisbigan, in ay fookaska saari doonan siyaasada socdaalka.
-Sida ay xaaladu hadda tahay ilama aha in Iswiidhan ka soo baxday shaqadii laga sugayey. Waa in sharciyada la xidhiidha socdaalka la sii adkeeyo. Hadii kale kama soo bixi karno hawlaha waajibka nagu ah, ayuu Gunnar Strömmer xooghayaha xisbiga M dhowaan ka sheegay shir saxaafadeed.
Goolka xisbigan ayaa ah in ay keenaan natiijo ka wanaagsan doorashadii hore ee 2014 islamarkaas na ay ka badiyaan xisbiyada casaan-cagaarka ah(S, iyo MP).
Xigasho Radio Sverige