David NorĂ©n, waa baadari ka tirsan kaniisada la yiraahdo Equmeniakyrkan ee degmadda i Floda kana mid ah shaqsiyaadkii halkaasi banaanbaxa u tagay ayaa isagoo la hadlaya saxaafadda waxaa uu sheegay ay sida loola dhaqmayo dhalinyaradaasi aannu aheyd mid bani’aadnimada waafaqsan.
“Ka baadari ahaan anigoo leh dareen bani’aadnimo weey i dhibeeysa inaan iska fadhiyo iyadoo dhalinyarro siddii alaab la rarayo gaari lugu guray oo loo musaafurinayo dal uu ammaankiisa sugneyn” ayuu yiri David NorĂ©n.
Laanta socdaalka ayaa go’aan ku gaartay in dalkoodii dib loogu celiyo dhalaanka keli socdka ah ee reer Afgaanistaan kuwaas oo qaarkood waaxda daaweynta sharciga baaritaano ay ku sameeysay ku sheegtay in aaneey jirin da’da ay sheegteen kolkii ay dalkaan magangalyo weeydiisteen.
Somaliska.com-Göteborg