Home Wararka Caalamka 26 Qof oo si Qasab ah looga Tarxiilay Garoonka Diyaaradaha Arland

26 Qof oo si Qasab ah looga Tarxiilay Garoonka Diyaaradaha Arland

0
Photo: Anders Wiklund/TT

26 muwaadin Ciraaqi ah ayaa si qasab ah looga musaafuriyay Sweden sida ay shaacisay Warbaahinta SR Ekot

Diyaaradda oo ay la socdeen muwaadiniinta Ciraaq ayaa subaxnimadii Talaadada ka soo duushay Garoonka Arlanda oo ay ku sii jeeday magaalada Baqdaad. Sidoo kale waxaa saarnaa dad ka tirsan waaxda gaadiidka ee ciidanka Asluubta iyo saraakiil booliis ah.

Ciidanka Asluubta ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen tarxiilka 26 qof kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay dalkooda

Ciraaq ma aysan dooneynin in ay qaabilaan dadka si qasab ah looga soo tarxiilo Sweden, laakiin hadda maamulka Ciraaq ayaa u muuqda mid si kale u fakaraya. Sida ay sheegtay Ekot, wada-hadallo u dhexeeya waddammada ayaa in muddo ah socday oo ku saabsanaa sidii loo maareyn lahaa dadka aan doonayn inay si iskood ah u laabtaan.

Tan iyo xagaagii xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Sweden iyo Ciraaq ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn, waxaana ka mid ah arrimo ay ka mid yihiin gubashada qur’aanka kariimka ah iyo weerarkii safaarada Sweden ee Baqdaad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here