Home Wararka Maanta Dhalinyarada Sweden oo Shaqooyinka ku hela labo hab oo fudud

Dhalinyarada Sweden oo Shaqooyinka ku hela labo hab oo fudud

0

Xaalada Corona ee Wadanka sweden waxay keentay iyo shaqooyin badan ee meesha ka baxaan waxana shaqooyinkaasi ay saameyn ku yeesheen dhalinyaro badan kuwaasi oo wax barta halka kuwa kale ay yihiin kuwa shaqeesta iyadoo taasi ay jirto ayaa qaar badan oo dhalinyarada ka tirsan waxay shaqooyin ku heleen labo hab oo fudud midkood.

Shirkada waxaa jira dalkan ah dalaaliin kuwaasi oo qofka ku xujeeya in uu heesto shaqo barkeeda tusaale  boqolkii ama in uu waxbarto si loogu buuxiyo  50 kale shaqo ahaan arintaasi ayay shirkada dalaalka ah waxay kaga hortageysaa in qofka uu shaqo joogta ah ku helo isla markana ay heestaan ama uu u shaqeeyo mudo dhoor sano ah.

Dhalinyada wadanka ku nool ayaana badankooda waxbarta waxaana taasi keentay in ay helaan shaqooyinkan oo sharuudo ugu adag ay tahay in aad la timaado 50 boqolkii.

Warbaahinta Somaliska oo la kulantay qaar kamid ah dhalinyarada isla markana ku sameeyay xog aruun waxay ogaatay in dhalinyarada badankooda ay shaqo ku heleen labada hab aan kasoo sheekeeyay.

Amiin waa wiil somali ah oo magaciisa aan ula baxnay amiin waxa uu Somaliska u sheegay in mudo dheer ay ku adkaatay in uu shaqo helo lakin markii uu buuxiyay sharuud ah in uu heesto boqolkiiba 50 oo wax kale ah sida shaqo ama waxbarasho uu helay shaqada madama uu isaga buuxiyay dhanka waxbarashada.

Shirkada ayaana badankooda fiirinin ama aan diirada saarin shaqada ama waxbarashada aad heysato nuuca ay tahay lakin taasi badalkeeda waxay 6 bil kadib waxay kaa rabaan cadeen in aad wali heysato 50 ka kale si heshiis cusub lagu siiyo.

Amiiin waxa uu mar kale u sheegay Somaliska in uu shaqo feecan heesto lakin taasi badalkeeda ku adkaatay in uu waxbarashada ku bixiyo dadaal lamid ah markii uu shaqo la’anta ahaa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here