Home Wararka Maanta Wiil 19 Sano jir ah oo lagu xukumay Xukun 12 sano ah

Wiil 19 Sano jir ah oo lagu xukumay Xukun 12 sano ah

0

Xagaagan ayay ahayd markii uu khilaaf soo kala dhex galay dhowr dhalinyaro ah oo degan Kungsträdgården oo ku taal bartamaha Stockholm.

Laba qof ayaa ku dhaawacantay wiil dhalinyaro ahna wuu dhintay.  wiil 19 jir ah ayaa hadda lagu xukumay dilka dhacay.

wiilkan dhalinyarad ayaa ku dooday in uusan dilka ula jeedin mid ku talo gal ah. Wuxuu kaliya iskudayey inuu isdifaaco. Laakiin maxkamaddu ma ogolan jawaabta uu bixiyay.

19 jirkan ayaa mindi ku dhuftay ninka dhintay sadexda qeybta wadnaha   19 jirkan ayaa sidoo kale lagu helay dambiga ah inuu isku dayay inuu dilo labo ka mid ah saaxiibada marxuumka.

19 jirkan ayaa lagu xukumay 12 sano oo xadhig ah. Haddii uu weynaan lahaa, waxaa lagu xukumi lahaa xukun ka dheer, maxkamadda ayaa sidaasi sheegtay

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here