Home Wararka Maanta Sweden 19 qof oo corona u dhimatay tirada guud oo mareysa 6340

Sweden 19 qof oo corona u dhimatay tirada guud oo mareysa 6340

0

Tirada dhimasha xanuunka corona ee Dalka Sweden ayaa maanta laga diiwaangaliyay 19 qof taasi oo tirada guud ka dhigeysa 6340 sida ay maanta soo bandhigeen hay’ada caafimaadka daweynaha ee wadanka.

tan iyo shalay ku dhawaad 4609 qof ayaa ku soo korortay tirada dadka laga helay xanuunka corona waana tiro aad u badan iyadoo tirada guud ay mareyso 201,55 qof.

hay’ada Caafimaadka daweynaha ayaa soo bandhigtay tirada dadka ku jira qeybta gargaarka deg deg ah kuwaasi oo gaaraya 183 qof iyadoo tirada guud ee la dhigay qeybtaasi ay gaartay 3016 qof tan iyo markii uu xanuunka corona ka dilaacay wadanka.

14 maalin ee ugu danbeesay waxaa xanuunka laga helay 562 boqolkiiba marka la eego boqolkii qof ee wadanka sweden ku nool.

Hay’ada ayaa soo jeedisay in la kordhiyo sharciyada ka jira wadanka tan iyo bisha December halka xisbiyada wadanka ay dowlada u soo jeediyeen in lasoo saaro sharciyo cusub oo dheeri ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here