Home Wararka Maanta Muwaadiniinta Sweden oo lagula talinayo in aysan u safrin Dalka Sacuudiga Qeybo...

Muwaadiniinta Sweden oo lagula talinayo in aysan u safrin Dalka Sacuudiga Qeybo kamid ah

0

Stockholm: Wasaaradda Arimaha Dibada ee Sweden waxay kula talisay inaan loo
safrin Gobolka xuduudaha Sacuudiga la leeyahay Yemen, sababa la xiriira xaalada amaanka ee gobolka. Sida uu soo xigtay TT

Wasaaraddu waxay ku sheegtay, bayaan ay maanta soo saartay, in talobixintu ay khuseyso masaafo dhan ilaa 50 kiilomitir oo u jirta xadka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kula talisay tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay
inay joojiso safarka aan loo baahnayn ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, marka lagu daro dalal kale oo badan, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Corona. Talada ayaa soconeysa illaa bartamaha Nofeembar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here