Home Wararka Caalamka Azerbaijan oo duqeysay goobaha ay Armenia ku rakibtay Gantaalaha S-300

Azerbaijan oo duqeysay goobaha ay Armenia ku rakibtay Gantaalaha S-300

0
Dalalka dagaallamaya ayaa isku raacay in la joojiyo colaadda ka taagan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh maalmo uun ka hor. Ruushka ayaa ugu baaqaya labada dhinacba inay u hogaansamaan shuruudaha xabad joojinta.

Azerbaijan ayaa Arbacadii maanta sheegtay inay garaacday laba goobood oo laga soo ganay gantaalaha Armenia, iyadoo ay socdeen dagaalo la isku weydaarsanayay gobolada lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Azerbaijan ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha ballistic S-400 oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha shacabka la duqeeyay.

Wasaaradda difaaca ee Armenia ayaa xaqiijisay in goobo ka tirsan Armenia la duqeeyay kuwaasi oo yaalaan Hubka Balastikada.

Waxay sheegtay inay “xaq u leedahay inay bartilmaameedsato goobaha militariga iyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee ka socda dhulka Azerbaijan.”

Xabad joojinta u dhaxeysa labada  dalka ee dagaalamaya ayaa la isku raacay Sabtidii kadib wadahadalo 10 saacadood qaatay, oo uu garwadeen ka ahaa Ruushka.

Labada dhinacba waxay tan iyo markiisi ay sheegteen in kan kale uu jabiyay heshiiska.

Dagaalku wuxuu qarxay Sebtember 27. Tan iyo markaas, in ka badan 400 oo qof ayaa lagu dilay dagaalka ka socda gobolka la isku haysto. Nagorno-Karabakh oo si rasmi ah uga tirsan Azerbaijan, laakiin waxaa gacanta ku haya xoogaga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Armenia tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii 1994.

Wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu wuxuu ka codsaday wasiirada difaaca ee Azeri iyo Armenia inay “si buuxda u buuxiyaan ballanqaadyadii” xabad joojinta ee bani’aadamnimada.

Nidaamyada gantaalaha ayaa la geeyay aagagga Armenia oo xuduud la leh degmada Kalbajar ee Azerbaijan ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Goobta ugu horreysa ee lagu weeraýo waxay ahayd magaalooyinka Azerbaijan ee Ganja, Mingachevir iyo aagagga kale ee dadku ku badan yahay, sida ay sheeganayaan wasaaradda difaaca ee Azerbaijani.

Si kastaba ha noqotee, Armenia waxay beenisay in hubkaasi lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here