Home Wararka Maanta Vänsterpartiet ” Wali way taagan tahay Qatarta ah in Dowlada Sweden la...

Vänsterpartiet ” Wali way taagan tahay Qatarta ah in Dowlada Sweden la rido ”

0
Photo: Ali Lorestani / TT

Dowlada ayaa xirtay baaritaanka lagu sameenayo shariga LAS – laakiin hanjabaadii xisbiga bidixda ee riditaanka dowlada ma dhamaan wali oo waa taagan yahay Taasi waa sida uu sheegayo Jonas Sjöstedt.

– Waxaan u aragnaa, inay dawladdu dib u guraneyso, laakiin waa inay xoogaa taageero siiyaan, ayuu yidhi.

Subaxnimadii Khamiista,  waxa uu xisbiga Sooshal dimuqraadiga sheegay in ay joojiyeen baaritaanka las. Halkii, ay dawladda sii wadi laheyd baaritaankeeda iyadoo kaa shaneysa saddexda xisbi, PTK iyo Svenskt Näringsliv ayaa ku raacay go’ankaasi

Wuxuu ku tilmaamay guul maanta ay shaacisay dowladda.

– Waa guul qeyb ahaan in la joojiyo baaritaankaan foosha xun sida uu sheegay Sjöstedt.

– Laakiin hadda xalka waa inuu ku saleysnaadaa LO oo raba heshiiska la soo bandhigayo iyo in LO loo oggolaado inay ka wada hadlaan.

Si kastaba ha noqotee, ku dhawaaqida dowlada inta lagu gudajiray shir saxaafadeedkeeda maanta ayay ku sheegeen, inay sii wadi doonto heshiiska ay ku heshiiyeen Isutagga Iswiidhishka iyo PTK. Laakiin sida laga soo xigtay Jonas Sjöstedt, hadda waxaa furmay wada xaajood cusub oo u dhexeeya dhinacyada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here