Home Wararka Maanta Sharciga Cusub ee shaqada Dalka Sweden oo laga heshiiyay Khilaafkiisa

Sharciga Cusub ee shaqada Dalka Sweden oo laga heshiiyay Khilaafkiisa

0

buuqa badan ayaa ka dhashay sharciga cusub ee dowlada dooneysay kaasi oo lagu badbaadinayo qofka shaqeeya.

Shirkadaha iyo ururada shaqaalaha waxay ka hadleen sida ay u doonayaan sharciga cusub inuu noqdo.

Shirkadaha iyo ururada shaqaalaha ee kooxda PTK ayaa ogolaaday. Laakiin ururada shaqaalaha ee LO ayaa maya soo jeediyay qorshaha ay doonayaan shirkada ee ah in ay burin karaan Shaqaalaha marka shirkada ay soo wajahdo dhaqaalo xumo.

Soo jeedinta ayaa ka mid ah, in ay u fududaan doonto shirkadaha in ay go aansadaan qofka ay tahay in uu joojiyo marka ay shirkadu lacag dhigeyso.

Maanta, caadiyan waa dhacda in kuwa shaqeeyay waqtiga ugu yar ay tahay inay marka hore joojiyaan shaqada taasi oo dowlada kasoo horjeeday.

Hadda dowladda ayaa dhahaysa haa soo jeedinta cusub.
In kasta oo LO aysan ku lug lahayn heshiiskaasi iyo ogolaanshaha dowlada ay ogolaatay go’anka shirkadaha.

dowladdu waxay soo jeedin doontaa sharci cusub oo ku saabsan nabadgelyada shaqada. Wasiirka Eva Nordmark ayaa sidaa tiri Khamiistii maanta. Markaa siyaasiyiinta baarlamaanka waxay u codeyn doonaan sharciga.

Waxaas oo dhami waxay ka bilaabeen dowladda oo wadashaqeyn la yeeshatay xisbiyada Liberal-ka iyo Centerpartiet. Kadib waxay ku heshiiyeen in sharciga loo badalo badqabka shaqada. Waxaa lagu soo daray liistada loo yaqaan heshiiskii Janaayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here