Home Wararka Maanta Xisbiga Moderatka oo soo bandhigay Sharciyo Cusub oo lagu tarxiilayo Kooxaha gangiska

Xisbiga Moderatka oo soo bandhigay Sharciyo Cusub oo lagu tarxiilayo Kooxaha gangiska

0

Xisbiga Moderaterna ee dalka Sweden ayaa maanta soo bandhigay dhowr hindise oo cusub oo ka dhan ah dambiyada gaangiska. kaasi oo sheegay in la musaafurin karo kooxaha gangiska geesta hadii Sharciga la dhaqangaliyo waxana uu raacay go’anka Xisbiga Deegaanka ee Miljopartiet.

Photo: MARKO SÄÄVÄLÄ/TT

– Tani waxay saamayn weyn ku yeelanaysaa dambiilayaasha Waxay si toos ah u saameyn doontaa awooddooda ay ku sii wadan karaan howlahooda Sweden. Tani ma ahan wax yar oo ka mid ah waxyaabihii hore ee caadiga ahaa, tani waa wax gebi ahaanba cusub, ayuu yidhi afhayeenka siyaasadda sharciga ee xisbiga Moderaterna Johan Forssell.

Hindisayaasha cusub maanta waxa ka mid ah in xubno badan oo kamid ah kooxahan wadanka laga saaro. Sida laga soo xigtay hogaamiyaha qunyar socodka ah Ulf Kristersson, bilaysku way ogyihiin cida ay tahay inay ka mid yihiin burcadda mana arko in xeerarka cusubi macnaheedu yahay hubanti la’aan sharci ah.

Qiyaasta xisbiga Moderaterna wuxuu sheegaa in 700 oo ka mid ah qiyaastii 5,000 oo dambiilayaal ku nool Sweden aysan heysan dhalashada Sweden sidaas darteedna ay tahay in lagu qasbo inay dalka ka baxaan

– Muddo dheer uma oggolaan karno in dadka Iswiidhan jooga oo keliya ay dambi galaan iyo kuwa aan ahayn muwaadin Iswidhish ah, ayuu yidhi Ulf Kristersson.

Hindise kale oo maanta cusub ayaa ah in ay doonayaan in loo fududeeyo in hantida lagala wareego dambiilayaasha. sida uu sheegay Ulf Kristersson. Waxay noqoneysaa culees ku soo kordhay kooxahan gangiska hadii sharciga uu noqdo mid dhaqan gala

macquul ahaan in aad dhaqaalo heysan adigoo kaxeenaya gawaarida ugu qaalisan iyo saacadaha ugu qaalisan ayuu intaasi ku daray isagoo taasi ula jeeda sida kooxahan ay u heestaan wax walbo.

Turjumay Somaliska Xigasho/radiosverige qeybta afka swidhishka

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here