Home Wararka Maanta kala Fadhiga Barlamaanka Sweden oo dib loo furay maanta iyo Sharciyo Cusub...

kala Fadhiga Barlamaanka Sweden oo dib loo furay maanta iyo Sharciyo Cusub oo sanadkan la filayo

0

Barlamaanka Sweden ayaa dib loo furay maanta kadib markii uu fasax ku maqnaa xiliga Kuleelaha waxana furmista Barlamaanka ee Sanadkan uu yahay mid xiiso leh madama la filayo in sharciyo cusub uu dhaqangaliyo kuwaasi oo miiska saaran sida arimaha Qaxootiga iyo dhaqaalaha.

kulanka Barlamaanka waxaa fura Boqorka Sweden King Carl XVI Gustaf iyo Queen Silvia waxaa kulanka furmitaanka ka qeyb galaya raisal Wasaaraha Dalka Stefan iyo Xaaskiisa Sida uu soo xigtay TT

Saacaddu markay ahayd 13:00 galabnimo, siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada waxay bilaabeen inay yimaadaan Baarlamaanka Si loo yareeyo halista faafitaanka cudurka Corona, kaliya 190 ka mid ah 349-ka xubnood ee baarlamaanka iyo kala bar wasiirrada dowladda ayaa ka qayb galaya.

Xafladdu waxay ka bilaabmaysaa iyadoo King Carl Gustaf uu ku dhawaaqay furitaanka baarlamaanka. Kadib Raiisel wasaare Stefan Löfven ayaa soo bandhigaya bayaanka dowlada.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Stockholm

Tifaftiray Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here