Home Wararka Maanta Boqorka Sacuudiga oo Xilka ka qaaday Shiikh Sudeysi oo ahaa Imaamka Masjidka...

Boqorka Sacuudiga oo Xilka ka qaaday Shiikh Sudeysi oo ahaa Imaamka Masjidka Xaramka

0

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi oo ahaa Khadiibka Masjidka barakeysan ee Xaramka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Shiikh Sudeysi uu Jimcihii la soo dhaafay ka jeediyey Xaramka khudbad uu ku taageeray in xiriir lala sameysan karo Yuhuuda taasoo loo fasirtay in Shiikhu u gogol-xaarayo xiriir Sacuudigu la sameysan doono Israel, maadaama Imaaraadka oo sacuudigu xulafo yihiin uu la heshiiyey Yuhuuda.

Boqor Salmaan ayaa u yeeray C/raxmaan Al-Sudeysi isagoo si kulul u canaantay talaabada uu qaaday iyo hadalada ka soo yeeray oo uu sheegay iney khilaafsan yihiin siyaasada Sacuudiga iyo khadka Boqortooyadu u jeexday in dalkaas lagu hago.

Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi ayaa u qiil dayey khudbadiisa carada abuurtay, isagoo xusay inuusan ula jeedin sida loo fasiray balse ay si khalad ah u buunbuuniyeen warbaahinta dalalka Qatar iyo Turkiga.

Hase ahaatee Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa hadalkaas dheg jalaq u siinin isagoo u sheegay Shiikha inuu ka qaaday xilkii khadiibka masjidka Xaramka, uusana khudbad dambe ka jeedin doonin halkaas.

Somaliska Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here