Home News in English Sweden ayaa ku noolaa 6 Sano anigoo Sharci la’an ah lakin maanta...

Sweden ayaa ku noolaa 6 Sano anigoo Sharci la’an ah lakin maanta Waxaan ka shaqeystaa UK

0

Abdi waa wiil Somali ah oo ku noolaa Dalka Sweden mudo 6 sano ah isagoo dalka ka helay diidmo lakin wadankiisa oo nabad aheyn dartii looma celin waxana uu si dhuumaaleysi ah ku joogay wadanka isagoo noloshiisa ka dabari jiray habab kala duwan sida goobo maqaayad uu ka shaqeyn jiray isagoo hela lacag yar.

mudo afar sano kadib ayuu dalka iska dhiibay mar kale waxana uu lahaa han weyn in uu sharci helo lakin diidmo kale ayaa la siisay iyadoo loo sheegay in sababtii hore mar kale loo diiday xaalka ayaa ku sii adkaaday lakin waxa uu maqlay wado fudud oo lagu tagi karo wadanka UK.

Abdi ayaa ugu danbeyn gaaray wadanka ingariiska waxana uu halkaasi ku gaaray sifo sharci iyo dacwad isagoo tagitaankiisa kadib durba bilaabay shirkad soo saarta ama sameysa rootiga oo ay leeyihiin dad somali ah.

” runtii mudo 6 sano ayaa sweden ku sugnaa lakin maanta waxaan jooga ingariiska oo aan ka shaqeystaa waliba luuqada wadanka ku hadlaa sababtoo ah horay ayaan u aqaanay”

Abdi waxa uu Somaliska u sheegay in isbuuc walbo uu qaato mushaharkiisa isla markana uusan sugin bil.

waxa uu sheegay in ay jiraa asxaab badan oo dhibkiisa oo kale heesto kuwaasi oo ku sugan wadamada caalamka xataa UK uu isaga hada joogo waxana uu u rajeeyay in ay helaan hormar wanaagsan.

Somaliska London

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here