Home Wararka Maanta Stockholm:- Imtixaan Luuqada ah oo loo marayo Shaqooyinka Goobaha Waayeelka

Stockholm:- Imtixaan Luuqada ah oo loo marayo Shaqooyinka Goobaha Waayeelka

0

Maamulka degmada Botkyrka ee Stockholm ayaa bilaabaya kowda bisha oktoobar imtixaan luuqada ah in la marsiiyo cidii dooneysa in ay ka shaqeeyso xarumaha waayeelada ee degmadaasi ka dib markii cadeymo marag fur ah laga helay waayeelka, ehelka iyo shaqaalaha kuwaasi oo la xiriira in ay yar tahay aqoonta luuqada Swedish ee qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha waayeelka lagu dayeelo ee degamada Botkyrka.

Qaar ka mid ah kuwa imminka shaqaaleysan ayaa iyaguna la siin doonaa waxbarasho xagga luuqada ah.

Degmadda Botkyrka 42 boqolkiiba dadka degan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dibedda haddaba aqoonta luuqad kale oo ahayn Swedish ayaa mudnaan leh laakiin sidaasi oo ay tahay in qofka si wanaagsan uu u yaqaano luuqada Swedish ka ayaa weli ah arrin muhiimadeeda leh, sida ay sheegtay Tuva Lund oo ah madaxa gudiiga daryeeka caafimaadka ee degmadaasi lana hadashay SVT.

Qofka ma noqon karo duuliye haddii uusan duulin karin diyaarad sidoo kalana ma noqon kartid kalkaaliso daryeel haddii aadan qori karin, akhrin karin ama aadan si wanaagsan ugu hadli karin luuqada Swedish ka, ayay tiri Tuva Lund.

Bengt Engelbrand oo ka mid ah waayeelka lagu xanaaneeyo mid ka mid ah goobaha waayeelada ee Botkyrka ayaa sheegay in uu isku dayo in ka fogaado la hadalka shaqaalaha waxuuna sheegay in ay la tahay wax aad u adag in shaqaalaha aysan si sax ah u fahmeen waxa uu dhahayo.

Ubah Mahdi waa gabar soomaali ah oo ku dhaqan magaaladda Karlstad waana kalkaaliso ka howlgasha xarun lagu hayo waayeelka.

Mar ay maanta la hadashay laanta Af Soomaliga ayay Ubah waxay sheegtay sida ay aqoonta luuqada Swedish ee shaqaalaha u hagaajin karto nolosha waayeelka.

Dhanka kale, Ubah ayaa sheegtay in aqoon la’aanta luuqada ay dhalin karto qaladaad waaweyn oo khatar abuuri kara.

sawir: Kallestad, Gorm/NTB scanpix

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here