Home Wararka Maanta Malmö iyo Stockholm oo siyaabo kala duwan uga dhaceen toogashooyin dad ku...

Malmö iyo Stockholm oo siyaabo kala duwan uga dhaceen toogashooyin dad ku dhintay

0

sida lagu helayo wararka ka imaanaya Caasimada Sadaxaad ee Sweden Malmö ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday toogasho taasi oo ka dhacday nawaaxiga xaafada Rosengård abaaro 11 fiidnimo ee xalay.

Booliska oo helay digniin ayaa tagay goobta halkaasi oo ugu tageen qof lugta laga toogtay kuna sugnaa guri iyadoo isbitaalka la dhigay waxana booliska ay xireen goobta uu falkaasi ka dhacay.

Baaritaan dheer la sameeyay kadib Booliska uma suuragalin in ay qabtaan qofkii ka danbeeyay weerarka oo loo maleenayo isku day dil.

Toogasho ka dhacday Botkyrka

goob shidaal oo ku taalla Nawaaxiga Botkyrka oo ka tirsan Caasimada Stockholm ayaa xalay lagu dilay gabar 15 sano jir ah taasi oo u dhimatay dhaawaca kasoo gaaray toogashada.

Afayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in toogashada dhacday ay soo gaartay abaaro 03:30 am ee xalay marka ay goobta gaareen ugu tageen gabadhan dhalinyarada ee la toogtay waxana la dhigay isbitaalka halkaasi oo ku dhimatay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here