Home News in English Cabdi Kariin ” Giriiga aad ayaa looga baxaa hada waxaa furmay wadooyin...

Cabdi Kariin ” Giriiga aad ayaa looga baxaa hada waxaa furmay wadooyin cusub”

0

tan iyo sanadkii 2019 waxaa xirnaa sida looga baxo dalka gariiga iyadoo ay fududeyd soo galitaanka Gariiga xili lasoo marayo Dalka Turkiga taasi ayaana keentay in Somali badan iyo ajaanib badan ku xayirmaan wadanka isla markana ay adkaato nolosha wadanka gaar ahaan Caasimada wadanka oo ah goobta kaliya ay Somalida ku noolyihiin.

Labadii bilood ee ugu danbeeyay waxaa wadanka ka baxay dad badan madama ay heleen wadooyin fudud oo wadanka looga bixi karo sida jafta iyo wado cusub oo lagu tago dalka Taliyaaniga taasi oo dadka qaar qaali ku ah sida uu Somaliska u sheegay Cabdi kariin oo kamid ah dhalinyarada ku nool wadanka labadii sano ee ugu danbeesay kuna xayiran.

iyadoo lagu jiro Xaalada Corona ayaana dadka qaar u fududaatay ka bixista wadanka Gariiga lakin Xaalka maanta waa uu ka duwan yahay sidii hore madama ay tahay nin walbo iyo jeebkaaga oo ah qofka ka bixi kara lacagtaasi qaaliga ah.

inta soo gasha wadanka ayaa ka badan inta ka baxdo oo ah tiro kooban lakin taasi badalkeeda Somalida oo ku batay magaalada ayaa aad u shiday waxaana jira goobo badan oo lagu caweeyo sida Maqaayada Banaadir, Goob lagu ciyaaro Ciyaaraha Game-ka kuwaasi oo ka qeyb qaata madadaalada dhalinta dooneysa in ay ka baxaan halkaasi ee raadiya qaababka fudud ee looga baxo wadanka.

” Haa runtii markii hore Waxaa leesku dayi jiray Garoomada diyaaradaha iyadoo qofka uu tijaabiyo Basaboor shabah ah lakin bilihii u danbeesay way xirmeen madama uu jiro Corona ” Cabdi kariin ayaa markale Somaliska.com u sheegay sidaasi.

Dowlada Dalka Gariiga ayaa horay u bilowday sharci bixinta kadib dhaleeceen ugu timid wadamada yurub oo xubin ka tahay lakin Qaxooti badan oo iska dhiigay kadib waxay dheereesay mudada lagu maro wareysiga iyo bixinta sharciga dalkaasi.

ka bixitaanka Dalka Gariiga ee fududaaday ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dalka Germalka uu dhawaan halkaasi kasoo qaatay Qaxooti ay qeyb ka yihiin Somali.

Somaliska Athens

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here