Home Wararka Maanta Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo soo saartay go’anada Cusub ee soo kordhay

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo soo saartay go’anada Cusub ee soo kordhay

0
Foto/TT

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa hakisay safarka aan loo baahnayn ee loo aado Danmark, Norway, Switzerland iyo Czech Republic. Go’aanku wuxuu dhaqan gelayaa 30ka Luulyo.

29ka July ka dib, ayaa goaakan laga soo saaray safarro aan loo baahnayn oo loo aado Danmark, Norway, Switzerland iyo Czech Republic, sidaana waxa maanta sheegay wasaaradda arrimaha debedda. 

Go’aannadii hore, ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku talisay ka hortagga safarka aan loo baahnayn ee loo aado: Andorra, Belgium, France, Greece, Iceland, Italy, Croatia, Monaco, Luxembourg, Poland, Portugal, San Marino, Spain, Germany, Hungary iyo Vatican City.

Wadamada kale ee ka tirsan EU, ETA (Aagagga Dhaqaalaha Yurub) iyo aagga Schengen iyo waliba Boqortooyada Midowday, safarada aan loo baahnayn ayaa la kordhiyay ilaa 12ka Agoosto 2020.

Wasaaradda Arimaha Dibada waxay horey u go’aansatay kala hakinta socdaalada aan loo baahnayn ee lagu tago wadamada kale ee ka baxsan EU, EEA, Schengen iyo Boqortooyada Midowday, illaa iyo 31ka Agoosto 2020. Go’aankan wali wuu jiraa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here