Home Wararka Denmark Stockholm oo isbuuca danbe loo furayo Safarada Denmark iyo Norway

Stockholm oo isbuuca danbe loo furayo Safarada Denmark iyo Norway

0

sida ay maanta Shaacisay Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha waxaa dhici karta in isbuuca Danbe la furo Safarada Stockholm ee Denmark iyo Norway isla markana Dadka ku nool Caasimada ay Safar ku tagi karaan labadan wadan.

Tegnell oo u hadlay Qeybta Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegay in Sweden ay buuxisay Sharuudaha ay u baahanyihiin wadanada Demark iyo Norway tusaale in ugu badnaan 20 Qof ay Xanuunka ka qaadeen 100,000 kun ee Dadka Deegaanka mudo isbuuc gudaheed Caasimada ayaana buuxisay Sharuudahaasi.

Sweden ayaa hada heesata 13 Kiis marka la eego 100,000 kun taasi oo keentay in Gobolada Xadka loo furo Safarada Halka Stockholm la filayo isbuuca danbe.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada Waqooyiga Yurub ee Xanuunka Corona ku yeeshay saameynta Xoogan lakin bishii u danbeesay waxaa hoos u dhacday Tirada Dadka uu ku dhacay Xanuunka iyo kuwa u dhintay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/svt

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here