Home Wararka Maanta Mudo 14 Maali oo Xabsi ah Qofka lagu qabto Toorey/Mindi isagoo...

Mudo 14 Maali oo Xabsi ah Qofka lagu qabto Toorey/Mindi isagoo ku dhex wata Goobaha Dadweynaha

0

dood adag ayaa ka jira Dhibaatooyinka ka dhasha Tooreyda ama Mindida oo Sanadihii ugu danbeeyah lagu geestay Weeraro kala duwan gaar ahaan Dalka Sweden waxana arintaasi ka hadlay Labada Xisbi ee M iyo L oo soo jeediyay in isbadal lagu sameeyo Sharciyadaasi.

Moderates-ka Ayaa soo jeediyay in Mudo 14 maalin la xiro Qofka lagu Qabto toorey isagoo ku dhex sita Goobaha Dadka iskugu yimaaxaan isla markana meesha laga saaro Ganaaxa Qofkaasi lagu rido.

Xisbiga Kale ee Liberalerna ayaa dhankiisa Dowlada ugu baaqay in Qofka geesta Dhibaato dhanka Tooreyda ah loo sameeyo Sharci durba Xabsiga dhigaya.

Labada Xisbi ayaana Qorsheenaya in Dowlada si Qasab ah Sharcigan u soo saarto Marka uu furmo Kala Fadhiga Barlamaanka Swede  ee Xiliga Deyrta sida uu sheegay Johan Forssell oo ka tirsan Moderates-ka.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa Sweden ka dhacay Weeraro loo adeegsaday Toorey kuwaasi oo Dad badan lagu dilay waxana Sanadkan kala barkiisa ay mareysaa Boqolkiiba 36 Weerarada Mindida loo adeegsaday ee Dalka ka dhacay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpaldet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here