Home Wararka Maanta Tirada Dhimashada Corona ee laga diiwaangaliyay Sweden iyo Norway Maanta

Tirada Dhimashada Corona ee laga diiwaangaliyay Sweden iyo Norway Maanta

0

Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sweden ayaa soo bandhigtay in 73,858 xaaladood oo ah infekshan illaa iyo hadda la diiwaangaliyay, 2469 kun oo qof la dhigey qaybta daryeelka degdega ah iyo guud ahaan 5482 dhimasho oo la xiriirta cudurka Corona, taasi oo ka dhigan in uu kordhay 35 maalintii ugu dambeysay.

”Had iyo jeer hoos u dhac ayaa ku yimaada tirada dhimashada usbuuc-dhammaadka” waxaa sidaasi sheegay Agaasimaha Guud ee Maamulka Caafimaadka Dadweynaha Johan Carlson.

Carlson ayaa shir-saxaafadeed uu qabtay Talaadadii shalay ku sheegay in la filan karo isbadal Cusub, isagoo sheegay in maalinba maalinta ka danbeeso la filan karo sawir ka wanaagsan xaaladda maalmihii la soo dhaafay.

Carlson wuxuu tilmaamay in muddo kadib ay horumar wanaagsan ka gaareen xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka. 

Arbacada maanta, 514 xaaladood oo cusub oo cudurka ah ayaa la soo wariyey maalintii la soo dhaafay, halka tiradaas ay horey u ahayd ilaa 1000. Sweden ma aysan joojinin baaritaanka. Tirada bukaannada daryeelka degdegga ah maalin kasta waxay muujinayaan isbadal hoose., isku-darka celceliska 7 maalmood wuxuu bilaabmayaa inuu wajaho 5 kiis oo cusub maalintii.

Dhimashada ugu badan ee Sweden waxay ku dhacdey dad ka weyn 70 sano waxana ay mareysaa 4880 kun.

Xaalada Norway

Ma jiro wax dhimasho ah oo laga soo sheegay Noorway marka la eego usbuuca 27 aad. Wadarta guud waxaa jiray 64 kiis oo cusub oo cudurka ah.

Warbixinta waxaa lagu sheegay warbixintii usbuucii la soo dhaafay ee laga soo qaatay  Machadka Caafimaadka Dadweynaha (FHI)  ee usbuuca 27 aad iyo  usbuuca 26 aad lakin waxaa jiray hal dhimasho.

Waxa kale oo jira kiisas aad u tiro yar oo aad u yar oo ah infakshanka marka loo eego toddobaadkii 26 aad, markii 110 kiis oo cusub loo qaybiyey 26 degmo. Toddobaadka 27, 18 degmo oo keliya ayaa soo sheegay kiisas cusub oo cudurka ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here