Home Wararka Maanta WHO:- Sweden waxay ka mid tahay wadamada yurub ugu qatarta badan Xanuunka...

WHO:- Sweden waxay ka mid tahay wadamada yurub ugu qatarta badan Xanuunka Corona

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Sweden ku tilmaamtay 11 Dalk oo kamid ah Yurub kuwaasi oo qatar weyn ka jirto marka la eego faafitaanka xanuunka Corona.

Sarkaal u hadlay Hay’ada ayaa sheegay in Todobaadyadii u danbeeyay ay ka hadlayeen Qatarta wadamo badan oo yurub ah kuwaasi oo hada ay noqotay mid dhab ah.

wadamada Yurub ee wajahaya Xaalada xun waxaa kamid ah h: Armenia,-Moldova, Waqooyiga Makedonia, Azerbaijan, Kazakhstan, Albania, Bosnia iyo Herzegovina, Kyrgyzstan, Ukraine iyo Kosovo, iyo waliba Sweden.

Lataliyaha Caafimaadka Sweden ayaa ka hadlay hadalka kasoo yeeray Hay’ada Caafimaadka Aduunka isagoo ku tilmaamay mid aanan ka turjumeen xaqiiqda dhabta ee ka jirta Sweden.

Tegnell ayaa sheegay in Xaalada Corona ee Sweden ay hoos u dhacday hada sidoo kale ay hoos u dhacday dhimashada Corona labadii todobaad ee ugu danbeesay.

Hadalka WHO ayaa ku soo aadaya iyadoo Sweden ay kamid tahay Wadamada Caalamka ee Dadka ugu badan ugu dhinteen Xanuunka Corona.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here