Home News in English Magaalada Eskilstuna Guri ku yaalla oo laga helay Meydka nin 35 sano...

Magaalada Eskilstuna Guri ku yaalla oo laga helay Meydka nin 35 sano jir ah

0

Maanta oo Axad ah galinka hore ayaa Magaalada Eskilstuna gaar ahaan dhanka Waqooyi guri ku yaalla waxaa laga helay Meydka nin 35 sano jir ah kaasi oo looga shakisan yahay in Dilka loo geestay.

Booliska ayaa helay Digniin la xiriirta Dilka ninkan abaaro 04:38 am waxaana intaasi kadib goobta ugu tageen ninkaan meydkiisa iyagoo goobta ka bilaabay Baaritaan hordhac ah oo la xiriira Dilka dhacay.

Thomas Agnevik oo u hadlay booliska Magaalada ayaa sheegay in ay wadaan baritaan hordhac ah isla markana soo bandhigidoonaan wixii kasoo baxa.

Booliska ayaa intaasi ku daray in la xiray labo qeyb oo kamid ah goobta uu dhibka ka dhacay kuwaasi oo baaritaanka xoogooda laga wado.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here