Home News in English Sweden oo 10,000 kr ku ganaaxeysa Waalidka aan Caruurtiisa u dirin iskuulka

Sweden oo 10,000 kr ku ganaaxeysa Waalidka aan Caruurtiisa u dirin iskuulka

0

waalid badan oo ku sugan Dalka Sweden ayaanan caruurtooda u dirin iskuulka bilihii u danbeeyay iyagoo ka cabsi qaba xanuunka Corona lakin Dowlada ayaa bilaabeysa qorshe qasab ka dhigaya in waalidka ay caruurtooda u diraan iskuulka xataa hadii ay u nuqul yihiin Xanuunka Corona.

warbixin uu diyaariyay radiyaha Dowlada ayaa lagu sheegay in waqtiga guga aysan waalid badan caruurtooda u dirin goobaha waxbarashada kuwaasi oo furnaa.

Cristian Olsson oo kamid ah madaxda iskuulada ee Helsingborg ayaa sheegay in ardayda oo dhan ku soo laabandoonaan iskuulada hadii taasi la waayo waalidka lagu ganaaxidoono lacag gaareysa 10,000 kr.

waalidiinta qaarkood ayaa durba kasoo horjeestay talaabada dowlada ee ku aadan Ganaaxa waalidka ka biyo diida amarka dowlada ee ah in caruurta loo diro iskuulada marka uu xagaagan dib u furmo iskuulada.

Somaliska stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here