Home Wararka Maanta Lars Thorsen oo lagu weeraray Ukumo iyo Yaanyo/tamaandho isagoo ka hadlaya Islaamka

Lars Thorsen oo lagu weeraray Ukumo iyo Yaanyo/tamaandho isagoo ka hadlaya Islaamka

0

Hogaamiyaha Xisbiga Sian ayaa lagu weeraray Ukumo iyo yaanyo ama Tamaandho xili uu Khudbad ja jeedinayay Barxad ku taala Caasimada Oslo waxaana deg deg loo joojiyay Khudbadiisa kadib markii sida roobka loogu daadiyay Ukumo/beed iyo Tamaandho/yaanyo.

Lars Thorsen oo kasoo horjeeda Islaamka ku sii fidaya Gudaha wadanka Norway ayaa Khudbadiisa maanta ku saab saneyd Islaanimada iyo inaan looga Baahneyd gudaha wadanka Norway waxana uu ka qeyb galay kulan ay soo qaba qaabiyeen Ururka Sian ee kasoo horjeeda islaamka kaasi oo hogaan u yahay..

Inkastoo Culimada Norway gaar ahaan Oslo ay ku baaqeen in aan la tagin goobtaasi hadana waxaa gaaray Koox muslimiin ah oo abaabulan kuwaasi oo bilowga Khudbada Gudoomiyaha ku bilaabay tuurista Ukumaha iyo Tamaamdhada.

Booliska ayaa isku dayay in ay joojiyaan kooxaha muslimiinta lakin kuma aysan guuleysan waxaana booliska go’an ku gaareen in Sian goobta laga wado madama halis soo gaarta looga baqay sida uu sheegay booliska.

Ururka Sian ayaa kasoo horjeeda Islaamka Norway waxaana la aas aasay Sanadkii 2008 waxaana maanta laga baqayay in uu dhaco isku dhac labada dhinac ah.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here