Home Wararka Caalamka Germany Sharciga ayaa kala noqoneynaa Waalidka Gudniin ku sameeya Caruurtiisa

Germany Sharciga ayaa kala noqoneynaa Waalidka Gudniin ku sameeya Caruurtiisa

0

Warbaahinta gudaha ee wadanka Germany ayaa daaha ka qaaday sharci adag kasi oo samayntiisa leh waxaana sharcigan dowlada Germany ay ugu talagashay in lagu Xakameeyo waalidiinta caruurtooda u safriya Africa ama wadamo kale si ay u soo gudaan waxaana sharcigan si qaaas ah uu u samaynaya waalidiinta haysta gabadhaha kuwaasi oo ilmaha safar dibada ah galiya si ay u soo gudaan

Dowlada Germany aya sheegtay in waalidiinta talabadaas qaada ay mutaysanayaan ciqaab adag ,taa oo isugu jirta sharci kala noqosho iyo xabsi aan la cayimin inta uu noqon karo

Warbaahinta Germany oo xukunkanka adag ee dowlada ay soo saartay soo xiganaya ayaa sheegay in xitaa ay dhici karto in fariin lagu soo diro (post) taa oo kaga imanaysa wasaaradaha ku shuqulka leh sida kuwa arimaha soogalootiga waxana laga qadaya waraysi ( Interview) xitaa hadii adan ilmahaga soo gudin way dhici karta in waraysi dowlada ay ka qaado si loo ogaado safarkaga in adan dhibaato soo gaarsiin xubnaha taranka ee ilmaha aad haysatid

Su,aalo waydiinta aya intooda badan diirada lagu saari doona safarkaga dibada, sababta ad u baxday iyadoona baaritaan loo diri karo gabdho hadad haysatid si loo ogaado in ilmahaga aad soo waxyeelaysay iyo in kale

Xukunkan adag ee isugu jira xabsi iyo sharci kala noqosho aya waxa uu si gaar ah u saamaynaya waalidiinta soomaliyeed ee ku nool Germany kuwaasi oo intooda badan aaminsan in caruurta gaar ahaan gabdhaha in la gudo ay tahay mid muhiimad gaar ah leh oo soo jireen u ah soomalida

Dowlada Germany aya gacanta ku haysa kiisas ku saabsan waalidin ilmahooda safar u kaxeeyay kuwaasi oo soo guday gabdhahoda.

Somaliska Vienna

W-Q:- samiir hassan adan
Vienna -Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here