Home Wararka Maanta Sweden:- Dadka ku dhashay dibada ayaa ugu badan dhimashada Corona

Sweden:- Dadka ku dhashay dibada ayaa ugu badan dhimashada Corona

0

kadib shir jaraa’id uu qabtay lataliyaha cudurka ee hay’ada Caafimaadka dadweynaha Tignel ayuu ku sheegay in dadka ugu badan ee u dhintay ama uu soo gaaray halista xanuunka corona ugu badanyihiin dadka ku dhashay dibada.

” waxaan si cad u aragnaa in dadka ugu badan ee saameenta ku yeeshay xanuunka corona ay yihiin dadka ku dhashay dalka dibadiisa” anders tegnell ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay maanta.

tirokoobka lasoo bandhigay ayaa muujinaya in dadka u dhintay xanuunka ugu badanyihiin Somaliya iyo Suuriya waxana kaalinta sadaxaad ku jira Dalka Ciraaq kadib warbixin kasoo bandhigay bishii march.

anders tegnell ayaa ugu baaqay dadka ku dhashay dalka dibadiisa in ay taxadar badan muujiyaan marka ay timaado difaaca naftooda waxana uu kula taliyay raacida talooyinka hay’ada caafimaadka.

Sweden ayaa sanadkan waxaa ku dhintay ku dhawaad 4 kun kadib xanuunka corona oo wadanka ka dilaacay waxana dadka ugu badan lagu sheegay dadka ajanabiga.

somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here