Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo kordhisay Xayiraada Saaran booqashada goobaha dadka waayeelka

Dowlada Sweden oo kordhisay Xayiraada Saaran booqashada goobaha dadka waayeelka

0

Dowladdu sweden ayaa  kordhisay xannibaadda booqashada goobaha waayeellada illaa dhammaadka Agoosto. Wasiirka arrimaha bulshada Lina Hallingren ayaa shir-saxaafadeed maanta ku sheegtay in go’aanku yahay mid ka mid ah tillaabooyin adag oo la dhaqan-gelin doono.

Dawladdu waxay ku amartay Qaybta Daryeelka Bulshada inay dib u eegto si sax ah waxyaabaha ka reeban xayiraadda safarka iyo sida booqashooyinka aaminka ah loo abaabuli karo  sida haddii ehelka ay xirtaan qalabka ilaalinta una soo booqdaan waalidkooda.

Hallingren ayaa tilmaamtay inay jiraan cadeymo muujinaya in faafitaanka coronavirus ee dalka Sweden uu bilaabay inuu gaabiyo, iyadoo carabka ku adkeeysay inay wali muhiim tahay
.in la raaco talooyinka iyo tilmaamaha.

Hallingren ayaa intaasi ku dartay in kormeerka caafimaadka uu baarayo in dadka ku jirta guryaha loogu talagalay dadka waayeelka ah ee aan u baahnayn cusbitaal ay helaan daryeel munaasib ah, baaritaankuna uu dhamaan doono usbuuca soo socda.

Mamnuucida wuxuu khuseeyaa booqashooyinka gudaha xaruumaha Dadka waayeelka lagu hayo, iyada oo aan laga reebin
wada xiriirka bulshada ee dhexmara Dadkaasi iyo ehelka ama asxaabta.

Waa inaad heshaa qaabab aad kula kulanto banaanka ama balakoonka meel fog,” ayuu tiri Hallringen.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here