Home Wararka Maanta Norway iyo Denmark oo Sweden ka reebay heshiiska Xuduud isku furista ee...

Norway iyo Denmark oo Sweden ka reebay heshiiska Xuduud isku furista ee bilaabaneysa

0

Dowlada Norway iyo Denmark ayaa heshiis ka gaaray xuduuda labada dal in ay isku fureen iyagoo ku heshiiyay qodobo dhoor ah oo la xiriira dhanka socdaalka si loo yareeyo faafista Xanuunka Corona lakin Heshiiska waxaa laga reebay Dalka Sweden oo kamid ah Wadamada Nordic ugu weyn.

Rai’sal wasaaraha Denmark Haweeneyda lagu magacaabo Mette Frederiksen oo goor dhow qabatay shir jaraa’id ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ugu weyn ee sweden looga reebay heshiiska ay tahay xaalada Corona ee wadamada oo kala duwan.

” Waxaan si joogta ah ula xiriirnaa dariskeena sweden waxaan rajeneynaa in la helo xal ku aadan arinkan ” Mette Frederiksen ayaa sidaasi warbaahinta u sheegtay.

” Waxaan la hadalnay Raisal wasaaraha Sweden waana uu fahmay xal u helida labada dhinac”

Norway iyo Denmark ayaa heshiis ku gaaray in xuduuda isku furaan 15 june ee bishan iyagoo heshiiskaasi ku soo daray wadamada Germalka iyo Iceland inkastoo laga reebay Sweden.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here