Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay waqtiga uu hakadka ku jiro Safarada Dibada

Sweden oo kordhisay waqtiga uu hakadka ku jiro Safarada Dibada

0
Foto: Pontus Lundahl / TT

Dowalda Sweden ayaa maanta waxay kordhisay mudada uu hakadka ku jirayo safarada dibada waxana la gaarsiiyay ilaa 15 july sida ay shir jaraa’id ku shaacisay wasiirada arimaha dibada ee sweden Ann Linde iyadoo intaasi ku dartay in waqtiga xayiraadaha safarada laga sii badin karo intaasi.

Ann Linde ayaa intaasi ku dartay in Dowlada ay xaalada wadanka ku qiimeen karto sida uu noqdo faafitaanka xanuunka coronavirus madama halis ka imaan karto hadii dad badan ay sameeyaan safaro dibada ah.

” ma ogaan karno waqtiga sida rasmiga loo furayo wayna kasii badnaan kartaa waqtiga hada laga dhigay ” Ann Linde ayaa warbaahinta u sheegtay.

ma ay soo hadal qaaday safarada la ogolyahay ayay sheegtay in qofka uu safri karo saacad ama labo saac safar qaadan kara oo gaari loo isticmaalay.

Raisal wasaaraha Sweden ayaa dhankiisa waxa uu horay u sheegay in dhibaatada Xanuunka Corona aysan wali dhamaan qof kastana ay masuuliyad saaran tahay.

go’anka dowlada Sweden ayaa ku soo aadeysa iyadoo dad badan ay rajo ka qabeen waqtiga la furayo dulimaadka si ay dalka uga baxaan ama u soo galaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here