Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo khudbadiisa Maalinta Shaqaalaha kaga hadlay arimo badan oo muhiim...

Stefan Löfven oo khudbadiisa Maalinta Shaqaalaha kaga hadlay arimo badan oo muhiim ah

0

Raisal wasaaraha Sweden ayaa maanta jeediyay khudbadiisa maalinta shaqaalaha waxana uu shacabka sweden kala hadlay barta facebook-ga iyo youtube isagoo soo hadal qaaday xaalada wadanka ee corona iyo maanta oo kale sida wadanka looga dhigi jiray maalinta shaqaalaha aduunka.

Stefan ayaa khudbadiisa ku sheegay ” inkastoo aan sameeneyno dadaal hadana dad badan ayaa xanuunsanaya dad badan ayaa dhimanaya dad badana shaqooyinkooda ayay waayidoona”

Waxa uu intaasi ku daray in ay jiridoonaan qasaaro xoogan lakin taasi badalkeeda la muujiyo midnimo si looga gudbo dhibaatada hada taagan.

Xisbiyada ka dhisan Dalka ayuu ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan wax walbo oo khilaaf keeni kara xiliga adag ee lagu jiro isagoo dhanka kale amaanay hay’ada caafimaadka sida wanaagsan ee u maareysay xaalada.

maanta oo kale sanad walbo ayaa wadanka laga xusaa maalinta shaqaalaha lakin sida caadiga aheyd xaalada way ka duwan tahay sanadkan madama wadanka uu ka jiro xanuunka corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here