Home News in English Germalka oo Qaxooti kasoo qaaday Wadanka Giriiga xili Coronavirus lala tacaalayo

Germalka oo Qaxooti kasoo qaaday Wadanka Giriiga xili Coronavirus lala tacaalayo

0

Sida maanta aya shaaciyeen warbaahinta Dalalka Germalka Iyo Gariiga Dowlada Germalka ayaa Qaxooti kasoo qaaday Kaamam ku yaalla Wadanka Gariiga.

Qaxootiga Germalka uu soo qaaday ayaa Ah Caruurta aysan la socon waalidkooda ee ku nool Halkaasi kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 47 Qof oo kala ah 42 Caruur ah iyo 5 Dhalinyaro da’yar ah

Diyaarad siday Qaxootigan ayaa ka dagtay Magaalada Hanover ee wadanka Germalka sida ay Dowlada shaacisay waxaana durba Qaxootiga lagu bilaabay mudo 14 cisho oo karantiil ah.

Qaxootigan ayaa ku jiray Kaamam ku yaalla Jasiiradaha Lesbos,Samos iyo Chios sida uu sheegay Wasiirka arimaha Gudaha Germalka oo intaasi ku daray in ay ku faraxsanyihii  soo dhaweynta Dufcadii ugu horeesay ee wadanka soo gaara.

Somaliska Germalka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here