Home Wararka Maanta Dhageyso:- Tirada Somalida ku dhimatay Sweden iyo ingariiska oo korortay

Dhageyso:- Tirada Somalida ku dhimatay Sweden iyo ingariiska oo korortay

0

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya waxaa xanuunkan ugu geeriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iyada oo ay tobannaan kalena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarugay dowlado ay ka mid tahay dowladda Sweden oo billowday barnaamijyo si toos ah loogu wacyigelinayo Soomaalida halista faafitaanka cudurkan.

Somaliska USA

Xigasho/VOA Somali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here