Home Wararka Finland Finland oo kordhisay mudada uu wadanka xaniban yahay

Finland oo kordhisay mudada uu wadanka xaniban yahay

0

Tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka fayraska corona ayaa ka sii soconaya Finland isla waqtigaas, dawladda ayaa soo kordhineysa amaro Cusub oo dadweynaha ah.

Dowladda Finland  ayaa go’aansatay inay kordhiso waqtiga kama dambeysta ah iyadoo waqtiga ka dhigtay 13-ka Abriil ilaa 13-May. iyo in la xiro gobolka Uusimaa ee Helsinki ku yaal.

Intaa waxaa sii dheer, xayiraad cusub ayaa la soo saaray: Dhammaan maqaayadaha, kafateeriyada iyo baararka waa la xiray laga bilaabo fiidnimada Isniinta shalay illaa 31ka Meey. Dhammaan gaadiidka rakaabka ee raaca doomaha ka baxa iyo kuwa yimaada dalka ayaa la joojiyay, waxaana suuragal ah in la xiro xuduudaha dhulka ee loo maro Norway iyo Sweden.

Farriinta Dowlada ayaa lagu sheegay shir-jaraa’id oo dhacay fiidnimadii shalay halkaasoo afarta hoggaamiyeyaasha xisbiyada dawladda ay ka qaybgaleen.

Somaliska Helisink

Waxaa turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here