Home Wararka Maanta Norway:- Mudada ay xirnaanayaan Iskuulada iyo Xanaanooyinka Wadanka oo la kordhiyay

Norway:- Mudada ay xirnaanayaan Iskuulada iyo Xanaanooyinka Wadanka oo la kordhiyay

0

Tallaabooyinka maanta ee Coronavirus ayaa la kordhiyey iyadoo laga dhigay illaa 13-ka Abriil, Raiisel Wasaaraha Erna Solberg ayaa kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ay qabtay Talaadadii.

Tani waxay ka dhigan tahay in iskuulada iyo xanaanooyinka ay xirnaan doonaan illaa Ciidda Masiixiga. Tani waxay sidoo kale khusaysaa xaddidaadda safarka iyo joogitaanka guriga.

Agaasinka Caafimaadka wuxuu codsanayaa in talaabooyin adag la sii wado

Agaasinka caafimaadka ayaa raba in la hakiyo cudurka Corona ee Noorway waxuuna codsanayaa in la qaado dhamaan talaabooyinka adag ee looga hortagayo infekshanka sii socdo, oo ay ku jirto xirida iskuulada iyo xanaanada.

“Maanta, yoolkeennu waa inaanu xakameyno cudurka Corona illaa inta aan kari karno,” ayuu agaasimaha caafimaadka Bjørn Guldvog ku sheegay shir-jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii.

Wuxuu hadda u soo jeediyay dawladda inay sii waddo dhammaan tallaabooyinka xaddidaadda faafinta ee la soo bandhigay, oo ay ra’iisul wasaare Erna Solberg (H) ugu yeedhay tallaabooyinka ugu xagjirka adag ee ay Norwey qaaday muddadii nabada.

Ujeeddada guud waa in celcelis ahaan, qof kasta oo ku dhaco coronavirus-ka Norwey uusan qof kale u gudbin. Kadib faafida cudurka ayaa yaraan doonta mudo kadib.

Somaliska Oslo

Waxaa Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here