Home Wararka Maanta Sweden Tirada Dadka u dhintay Caabuqa Coronavirus oo Korortay Magaaladee ugu badan

Sweden Tirada Dadka u dhintay Caabuqa Coronavirus oo Korortay Magaaladee ugu badan

0

Saddex qof oo hor leh ayaa u geeriyoodey caabuqa korona dalka Sweden, sida uu qoray war geeyska Aftonbladet.

– Saddexdan qof ee geeriyooday oo horay ula il darnaa cudurro kale ayaa ka dhigaya lix qof tirada dadka illaa hadda Sweden ugu geeriyooday caabuqa covid-19, sida ay sheegtay Elin Lindström oo ka howl gasha laanta saxaafadda ee hoggaanka gobolka Stockholm oo war geeyska la hadashay.

РGuud ahaan shan qof ayaa illaa hadda gobolka Stockholm ugu geeriyoodey caabuqa corona, sida ay sheegtay Elin Lindstr̦m.

Saddexdan qof ayaa geeriyooday 24-kii saac ee la soo dhaafey, kuwaasina oo ku geeriyoodey cusbitallada Södersjukhuset, Danderyds sjukhus iyo Karolinska universitetssjukhuset oo dhaca xaafadda Huddinge.

Guud ahaan lix qof ayaa u geeriyoodey kolkii ey qaadeen fayruska corona dalka Sweden illaa hadda. Iyagoona illaa hadda ey fayruska qaadeen qiyaas gaarsiisan 1 000 qof, sida la caddeeyey.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here