Home Wararka Maanta Qofkii Labaad oo Sweden ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus ee Xaaladiisa sii kordheyso

Qofkii Labaad oo Sweden ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus ee Xaaladiisa sii kordheyso

0

Qofkan labaad ee uu dilay Corona iyo kii ka horreeyay  ayaa labadduba ah dad waaweelo oo qabay xanuuno kale. Bukaankan labaad ayuu cudurka ku dilay cisbitaalka Sahlgrenska ee magaaladda Göteborg.

Per-Olof Hansson  waa dhaqtar ka howl gala cisbitaalka Sahlgrenska.

– Waa haweeney 85 jir ah oo dhowr cisho ku jirtay  cisbitaalka  Sahlgrenska, xaaladeydana ay ka sii dareysay oo waxay qabtay xanuuno kale oo lagu sifeyn karo dadka khatarta ugu jiro cudurka, nasiib daro xilli dambe xalay fiidkii ayay geeriyootay ayay yiri Per-Olof.

Dhaqtarka ayaa ka gaabsaday in uu sheego in xilliga dhabta ah ee haweeneydan timid cisbitaalka, isaga oo keliya sheegay in ay cisbitaalka ku jirtay tan iyo bilowgii toddobaadkan dhammaanaya.

Waxay ahayd arbacadii toddobaadkan dhammaadka ah kolkii haweeney kale ugu geeriyootay cudurka cisbitaalka jaamacadda Karolinska ee degmada Huddinge ee Stockholm. Bukaankaasi ayaa da’diisu ka weyneed 70 sano kolka laga soo tago caabuqa covid-19 qofkaasi waxuu qabay xanuuno kale.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here