Home News in English Hindise Cusub:- Dowlada halagu Wareejiyo Lacagta Ceerta ee Degmooyinka laga helo

Hindise Cusub:- Dowlada halagu Wareejiyo Lacagta Ceerta ee Degmooyinka laga helo

0

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa soo jeediyay in lacagaha billaha ah ee dadka aan shaqayni iminka degmooyinka ka qaataan ee cayrta loo yaqaanno loo bedelo heer qaran oo ay bixiso dowladda dhexe ee Iswiidhan.

Tillaabadan oo lacag bille ah lagu siinayo dadkan oo tirada guud ee shaqo la’aanta ah ka noqonaya 3 meelood ha meel ayaa dhan 126 kun oo qof, ayuu xisbigani ku doodayaa inay culayska ka yareen doonto degmooyinka. Iyadoo sidoo kale ay shaqo u raadin doonto hay’adda Arbetsförmedlingen, sida ay ku doodayso hoggaanka xisbiga KD ee Ebba Busch Thor.

-Marka loo eego lacagta la siiyo qofka cusub oo joogsanaysa marka aad yeelato saddex carruur ah, lacagta cayrtu waa iska soconaysaa taasoo keenaysa inay dadku gaaraan heer ay ka tegi waayaan halkii ay shaqo ka raadsan lahaayeen, ayay tiri Ebba Busch Thor.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here