Home News in English Degmada Helsingborg ee Dalka Sweden oo laga Furay Guri Leeskugu geenayo Dhalinyarada...

Degmada Helsingborg ee Dalka Sweden oo laga Furay Guri Leeskugu geenayo Dhalinyarada iyo Waayeelka

0

Dowladda hoose ee degmada Helsingborg ee dalka Sweden ayaa billowday dedaallo lagu yareynayo dhibaatooyinka heysta dadka da’da ah, kuwaas oo inta badan keligood meel ku nool.

Waa wax iska caadi ah in dadka ku nool dalalka reer galbeedka ay keligood noolaadaan, kadib marka ay dhameeyaan waxbarashada.

Kelinimada waa dhibaato culeys badan ku heysa dadka da’da yar iyo dhallinyarada, haseyeeshee dowladda hoose ee Helsingborg ayaa dayactir ku sameysay dhisme aad u weyn, halkaas oo ay dejiyeen dad dhallinyaro ah iyo kuwo da’ ah, si ay isu maaweeliyaan. Dhismaha ayaa waxaa hadda deggan 70 qof.

Gurigan ayaa dadka ku sugan waxay maalinkii kulmaan laba saacadood, waxayna ka sheekeystaan wax walba oo midba midka kale uu u sheegi karo.

“Cidlo ayaan dareemayay markii aan keligay noolaa, siddeed saacadood ayaan shaqeeyaa, xaafadda ayaan dib ugu soo laabtaa, markaan wax cunana ciyaaro ayaan isku mashquuliyaa”, ayay tiri Fia Stegroth, oo 20 sano jir ah, kana mid ah dadka ku nool dhismahaas.

Haweeney da’deedu tahay 86 sano jir, laguna magacaabo Gunnel Ericsson, kana mid ah dadka lagu maweeliyo dhismahaas ayaa sheegtay in xanuuno dhanka maskaxda ah ay ka qaadday cidlada, waxaana ay tiri: “Waxaan heystay waxwalba oo aan nolosha uga baahanaa balse cidlo ayaan dareemayay”.

Waxay intaa raacisay in ay jiraan maalma aysan cidnaba la hadlin o ay nolosha ku caajistay.

Dowladda hoose ee magaalada Helsingborg ayaa sheegtay in arrintan ay wax badan ka tari doonto xaaladda hadda taagan.

“Dadka da’da yar waxay firfircooni badan kusoo kordhin karaan kuw da’da ah, waxay ka sheekeysan karaan wax badan, waxaana fileynaa in dadka da’da ah ay taariikh badan kusoo kordhin doonaan dadka dhallinyarada ah”, ayay tiri Dragana oo katirsan dowladda hoose ee Helsingborg.

Sidoo kale dhalinyarada ayey sheegtay inay waayeelka uga sheekeyn karaan horumarrada hadda ka jira dunida iyo sida ay u shaqeyso tiknoolojiyadda casriga ah.

Fahamka dadka dhallinyarad iyo kuwa da’da ah ayay sheegtay in markii hore uu adkaa, balse haatan ay aad isu soo fahmayaan, qaar badan oo kamid ahna ay ba saaxiibeen.

Dadka da’da ah ayaa dhallinta ka bartay waxyaaba badan oo kamid tahay isticmaalka aaladaha casriga ah sida taleefoonada iyo telefishenada casriga ah.

Dhismaha ay dadkan ku kulmaan ayaa waxaa uu leeyahay wax walba oo ay kamid tahay meel qaxwada lagu karsado, qolal fadhi ah, meelo telefishinno lagu daawado, goobo lagu ciyaaro iyo goobo lagu jimicsado.

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in arrintan ay tahay tijaabo balse ay ballaarin doonaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/BBC

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here