Home News in English Lacagta Deemaha oo laga Cafinayo Dadka u guura kuna Noolaada Degmooyinka yar...

Lacagta Deemaha oo laga Cafinayo Dadka u guura kuna Noolaada Degmooyinka yar yar

0

Waa in qofka u guuro degmooyinka ay dadku ku yar yihiin si uu waxbarasho ugu qaato deeynta heeyada kaalmeeynta waxabarashada ee CSN laga daayo.

Waa sida uu sheegayo baadhitaan maanta loo gudbiyay dawlada oo ku saabsan degmooyinka dalkan.

Tusaale ayaa dadka jaamacadaha ka soo baxay ee u guura degmooyinka ay ku adagtahay in ay soo jiitaan shaqaalaha qaar laga bixin kara deeymaha looga leeyahay heeyada kaalmeeynta waxbarashada. Lacagtan ayaa gaadhaysa marka ay ugu badnaato 30 000 oo koroon sannadkii. Shuuruuda lagu xidhayo shakhsiga ayaa ah in uu ka guuriin degmadaas.

-Khasab wey jiraan dad jaamacadaha ka soo baxay oo sidan oo kale lagu soo jiidan karo. Waa sida uu sheegay Niklas Karlsson oo ah baadhaha dawlada kana tirsan xisbiga S.

Degmada Arjeplog ee ku taal gobolka magaciisu yahay Norrbotten ayaa ka mid ah kuwa ay dhibaatada in ay soo jiitaan shaqaale la ildaran. Halkaas oo ay 25 sanadood ee ugu dambeeyay hoos ugu degeen tirada qof ee ku nool. 3000 oo qof ayaa hadda meeshaas ku nool. Islamarkaas ayey degmadan ku yaryihiin dadka waxbarasho hore u soo qaatay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here