Home News in English Canada oo war kasoo saartay Qaxootiga Halka Milyan ee qaadaneyso iyo xiliga...

Canada oo war kasoo saartay Qaxootiga Halka Milyan ee qaadaneyso iyo xiliga uu bilaabanayo

1

Wasiirka Socdaalka Kanada, Marco Mendesino, ayaa ku dhawaaqday in waddankiisu uu soo bandhigi doono barnaamij u oggolaanaya hal milyan oo muhaajiriin ah in ay tagaan kanada muddo saddexda sano ah ee soo socota.

Warbixin uu soo saaray, Mendesino ayaa lagu sheegay in barnaamijka loogu talagalay in lagu xaliyo shaqo yaraanta iyo shaqo la’aanta sababtay dadka da’da ween iyo hoos u dhaca dhalashada.

Wasiirka Kanada ma uusan cayimin taariikhda la bilaabayo hirgelinta barnaamijka, halka xogta dowladda Kanada ay sheegtey in in ka badan sagaal milyan oo reer Kanada ah la filayo inay gaaraan da’da hawlgabka marka la gaaro 2030.

Kanada waxay soo dhoweysay 310,000 muhaajiriin ah sanadka 2018 iyo 330,000 Waxana tirada Shacabka Kanada lagu sheegay 38 milyan sida Somaliska kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Hadalka wasiirka ayaana ka dhigan in qorshaha Dowlada uu yahay mid dhow oo dhawaan bilaabanaya taasi oo dad badan oo somali ah ay qorsheenayaan in ay ka faa’ideestaan marka lasoo bandhigo.

Ma tahay Qaxooti Somali ah fadlan iska diiwaan gali xaruumaha Qaxootiga Caalamka si aad u hesho kaarka Qaxootinimo si uu kugu fududaado qorshana oo dhici kara in uu ku anfaco marka Dowlada soo bandhigto.

kala soco somaliska Wararka Qaxootiga Caalamka

Somaliska alberta

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here