Home Wararka Maanta Magaalada Uppsala oo lagu toogtay Labo Qof oo m

Magaalada Uppsala oo lagu toogtay Labo Qof oo m

0

Nin 25 jir ah ayaa u geeriyooday dhaawacyo xalay ka soo gaarey toogasho lala beegsaday isaga iyo nin kale oo 20 jir ah nawaaxiga Stenhagen ee magaalada Uppsala.

Raggan ayaa cusbitalka loola cararay iyadoona subaxnimadii isniinta maanta uu ciidanka ammaanku shaaca ka qaaday inuu mid raggaa ka mid ahi geeriyooday, halka kii kalena weli cusbitalka lagu dar yeeleyo isla markaana aan noloshiisu halis ku jirin.

Torsten Hemlin oo xalay ka howl galayay xarunta dhexe ee hoggaanka boliiska ayaa sheegay iney goobta kula kulmeen laban in oo dhaawac halis ahi soo gaarey, isla markaana loola cararey cusbitalka.

David oo ka mid ah bulshada ku dhaqan nawaaxiga Stenhagen ayaa sheegay inay tahay xaalad laga welwelo:

-Ma garanaayo waxaan xaaskayga ku iri in hadiyadda ciidda Kirismaska ee ugu wanaagsan noqon lahayd jaakadda xabbadda la isaga celiyo. Waa arrin welwel leh, qaasatan kolka ilmo la heeysto inkastooy ey weli da’ yar yihiin, sida uu sheegay David.

-Waxaan leeyahay carruur, waxaan leeyahay reer, waa in la joojiyo arrimmahan iney marar kale dhacaan. Cabsi ayaan dareemeyaa. Lama awoodo in dibadda loo baxo, sida mararka qaarkood la dareemo iney marar badan dhacaan, sida ay sheegaty Elinas oo iyaduna ka mid ah bulshada ku dhaqan nawaaxiga Stenhagen ee magaalada Uppsala.

Xabadeeynta ayaa ka dhacday dibadda waddo ku taala nawaaxiga Stenhagen, iyadoona illaa hadda cid loo qabtay falkaa aanay jirin. Masuuliyiinta barnaamijka Rimfrost, ayaa maanta kulan yeelan sidii ey uga xaajoon lahaayeen toogashada ee ka dhacday nawaaxiga Stenhagen.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here